Somali News

Dagaal u dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Galmudug oo ka socda deegaanka Cadakibir

Dagaalameyaal ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Cadakibir oo qiyaastii 60- Kilometir u jira magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Koox ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada Galmudug ku leeyihiin deegaanka Cadakibir, waxaana labada dhinac ay is weedaarsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo socda owgii ma jiraan faah-faahino dheeraad ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Wixii ka soo kordha halkaan kala soco.