Uncategorized

Dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo ka dhacay Galgaduud.

Dhuusamareeb-KNN-Wararka naga soo gaarayo deegaan lagu magacaabo War-mooley oo u dhaxeeya Degmada Ceelbuur iyo Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku haayo labo arin oo kala ah, tababar la sheegay in ay Al-shabaab doonayaan in loo sameeyo odayaasha iyo dadka da’da ah si ay uga qayb qaataan dagaalada shabaab iyo dilka Lobo qof oo shacab ah oo ay Shabaab fuliyeen.

Dagaalka maanta dhacay ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Guriceyl la soo gaarsiiyay dhaawaca 2 qof oo shacab ah tiro dhimasho ahna ay jirto Shabaaab iyo dadka deegaanka soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay cadaadiska ay u geysanayaan dadka ku nool gobalada dhexe ee Soomaaliya, mudooyinkii la soo dhaafay.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa hada degan, waxaana Tuulada lagu dagaalamay ee War-mooley 50 KM u jirtaa magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.