Beledweyne-KNN-Deegaanka Aboorey oo hoosta degmada Buulo-burde gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya kooxda Macawiisley iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalkaas uu yimid, kadib markii kooxda Macawiisley ay weerar ku qaadeen fariisimo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku leeyihiinm duleedka magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.
Ciidamo dowladda Soomaaliya oo ka baxay degmada Buulo-burde ayaa la sheegay in ay gurmad ahaan uga biireen dagaalka, iyaga oo garab siinaya kooxda Macawiisley oo gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe kula dagaalama Al-Shabaab.
Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo wali socda si ay noo xaqiijiyeen dadka shacabka ah ee ku nool deegaanka Aroorey oo hoos taga degmada Buulo-burde.


