Muqdisho-KNN-Warar aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan uu dagaal ka socdo Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa waxaa la soo werinayaa in uu u dhexeeyo ciidamada dawlada Soomaaliya ee ilaalada ka haya dhismaha wadada Ex-Koontalool Afgooye, oo uu dhismaha ka socdo iyo ciidamada Asluubta.
Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday rasaas, taas oo sababta in uu hakad galo isku socodka gaadiidka dadweynaha, ganacsiga iyo dhammaan adeegyadii bulshada.
Lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, balse weli waxaa socota rasaas ay is weydaarsanayaan labada dhinaca.


