Muqdisho-KNN-Israa’iil ayaa waxaa ay sheegtay in Diyaaradaheedu ay duqaymo la beehsadeen xubno ka tirsan Ururka Xamaas kadib markii ururku uu 370 Gantaal ku riday Dhulka Israa’iil.
Ugu yaraan Sedax phalastiiniyiin ah ayaa ku dhintay Duqaynta ka dhacday Gaza waxaana lashoo sheegay in qof shacab ah uu ku dhintay Gantaaladda ku dhacay dhulka Israa’iil gar ahaan Magaaladda Ashkelon.
Israa’iil iyo xamaas oo marinka Gaza maamula ayaa waxaa ayb igu goodiyeen in ay tilaabooyinkooda dardar galin doonaan.
Rabshadahaan ayaa qarxay markii Israa’iil Howlgal qarsoodi ah oo ay Gaza ka fuliyeen ku dileen Sargaal ka tirsan Xoogga Xamaas.
Mid ka mid ah gantaaladda Xamaas ay dhulka Israa’iil ku rideen waxaa uu ku dhacay gaari Bas ah oo aysan dad saarneeyn, waxaana ku dhaawacmay Askari ka ag dhawaa.
Todobo qof oo shacabka israa’iil ka mid ah ayaa sidoo kale lasheegay in ay dhaawacmeen.


