Somali News

Dagaal udhaxeeya laba sarkaal oo ka wada tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Galgaduud

Dagaal udhaxeeya laba sarkaal oo kawada tirsan Al-shabaab ayaa ka dhacay degaanka Biyo oo u dhexeeya tuulada Burujeed iyo Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka barujeed ayaa ku waramaya in ay maqleen dhawaqa hubka kooxdu isku adeegsaneyso waxaana dagaalka ka dhashay khasaare xooggan oo cadowga kala gaaray.

Dagaalka ayaa ka dhashay khilaaf salka ku haya dagaalkii maalmo ka hor Al-shabaab ku soo qaadeen magaalada Burijeed.