Uncategorized

Dagaal xalay ka dgacay degmada Afgooye ee G/Shabeelaha Hoose

Afgooye-KNN=Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxa dagaal xalay ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Degamada Afgooye ayaa waxaa weerar ku soo qaaday Al-shabaab, wararka waxay tilmaamayaan in dagaalkaas uu ka dhashay qasaaro dhimisho iyo dhaawac.

Sidoo kale warar hoose oo KNN ay heshay ayaa sheegaya in dagaalamayaashii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ay lawareegeen gaadiid dagaal.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dagaalku geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac balse aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Dagaalkaan ayaa ku soo beegmaya xili shalay ciidamada dowlada ay ka howgalo sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka shabeelaha Hoose.

Howgalkaas ayaa ciidamada waxay sameeyeen shalay, ciidamadaan ayaa goobaha qaar waxay kala kulmeen dagaal, sida deegaanka Janaale, Owdhiigle, Qoryooley iyo deegaano kale, Laakiin ciidamada ayaa isga soo laabtay goobihii ay la wareegeen shalay.