Somali News

Dagaal xalay ka dhacay Ceelasha Biyaha

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay waxaa ay  weerar ku qaadeen  saldhig ciidamada xoogga ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha  Gobalka Shabeellada Hoose.

Saldhiga la weeraray ayaa ku yaala deegaanka  Arbacow oo ka tirsan ceelasha biyaha,  waxaana uu dagaalka socday mudo  ka badan hal saac.

Inta uu dagaalka socday ayay dhinacyadii dagaalamayey waxay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacad kulmiye ayaa sheegay inaysan jirin khasaaro ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Arbacow.

Ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidanka xoogga ee ku sugan deegaanka Arbacow ee Gobalka Shabeellada Hoose.