Afgooye-KNN-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay ku dagaalamay deegaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisin ay Ciidanka xoogga gaar ahaan Danab ay ku leeyihiin duleedka deegaankaas.
Dagaalka oo socday muddo saacado ah ayaan wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay, dad ku sugan deegaan Sabiib ayaa KNN u sheegay in ay saakay arkayeen gaadiid dagaal oo ku gubanaya halkii lagu dagaalmay wallow aan la ogeyn garabka iska leh gaadiidka la gubay dhinacyadii dagaalamay.
Dagaalamayaashii ka tirsanaay Al-Shabaab ee xalay weerarka ku qaaday deegaanka Sabiib ayaa la sheegay in ay iska cabin kala kulmeen Ciidamada Danab ee ay weerareen, waxaana haatan goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Dowladda, Sabiib iyo deegaanada hoos taga ayaa waxaa saakay laga soo sheegayaa dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidanka xoogga dalka Gaar ahaan kuwa Danab.