Somali News

Dagaal xalay ka dhacay Sh.Dhexe.

Balcad-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday bar koontarool oo ciidamada dowlada ay ku lahayeen dagmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe gaar ahaan wadada aada biyo xireenka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in al shabaab ay ku yimaadeen wadada ka timaada deegaanka Basra ee hoos yimaada dagmada Balcad.

Inta la ogyahay 2 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka, kuwaasi oo ahaa askartii markaasi ku sugneed Kontoroolka degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe.

Shacabka ku dhaqan dagmada balcad ayey soo wajahday cabsi.