Uncategorized

Dagaal Xalay Mar kale ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Afgooye-KNN-Ugu yaraan 2 ka mid ah Ciidanka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku dhinteen in kabadan 5 kalane oo ka tirsan Labada dhincna ay ku dhaawacmeen kadib dagaal ku bilaawday Bam-Gacmeed oo xalay ka dhacay Bar Control oo ku taala duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Xalay fiidkii hore ayaa dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab waxay weerar socday ku dhawaad 20 daqiiqo waxay ku qaadeen Bar Control oo ay Ciidamad Dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose waana habeenkii 3-aad oo weerar Khasaare dhaliya lagu soo qaado Afgooye.

Degmada Afgooye ayaa waxaa ku soo laab laabtay weerarada Al-Shabaab waxaana habeenadii la soo dhaafay ka dhacayay weeraro iyo dilal qorsheysan taas oo baqdin ku abuurtay dadka deegaanka.

Habeen hore ayaa Afgooye waxaa lagu dilay nin Nabadoon ahaa sidoo kale labadii habeen ee ka sii horeysay ayaa weerar Culus Bartamah degmada lagu soo qaaday kaas oo Sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda oo ku saabsan dagaalkaasi, Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarkaasi ay ku qaadeen Afgooye.