Somali News

Dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Beledweyne-KNN-Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degaanka Halgan iyo degmada Buulo-burde, Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay isku dayeen in xoolo ay ugu yeereen Sakawaad ay ka qaataan dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaamada lagu dagaalamay ee Gobolka Hiiraan, waxeyna dadkii xoolaleyda ahaay ka biyo diideen in ay bixiyaan lacago iyo xoolo ay ka doonayeen Al-Shabaab, waxaana halkaas ka qarxay dagaal dhex maray dadkii deegaanka iyo Al-shabaab.

Guddomiyaha degmada Buulo-burde oo la hadlay KNN ayaa sheegay in dagaalkaas looga gacan sareeyey Al-Shabaab, isla markaana dadkii xoolo dhaqatada ahaay ay haatan ku suganyihiin deegaanadii lagu dagaalamay.

Dagaalka maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Halgan iyo Buulo-burde, ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxayna qaar ka mid ah dadkii xoolo dhaqqatada ahaay ay noo sheegeen in Al-Shabaab dagaalkaas looga dilay ku dhowaad 10 dagaalyahan, balse majirto ilo ka madaxbanaan oo xaqiiji karta sheegashada garab kamid ah dhinacyadii dagaalamay.

Mudooyinkii dambe deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan waxey dagaalo goos goos ah ku dhex marayeen Al-Shabaab iyo dadka shacabka ah ee u badan xoola dhaatada, kuwaas oo intooda badan isku maan dhaafa bixinta xoolo iyo lacago ay weydiistaan Al-Shabaab iyo caruurta da’da yar oo ay Al-shabaab ka xeysanayaan si ay ugu bar bar dagaalamaan.