Somali News

Dagaal xoogan oo ka socda Shabeelaha dhexe.

Jowhar-KNN-Dagaal xoogan  ayaa saaka aroorti waxaa uu ka bilowday deegaanka Bukuraari oo dhaca inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe waxaana uu dagaalka dhex marayaa labo maleeshiyo beeleed.

Xiisadda dagaalka oo soo taagneyd maamihii la soo dhaafay ayaa shalay oo ay  dagaalameen waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana sidoo kale shalay gelinkii danbe halkaasi ku dagaalamay mid kamid ah labada maleeshiyo beeleed iyo askar ka tirsan Millatariga Soomaaliya oo wadada isticmaalayay sidaasina uu dagaalka ku dhex maray.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay dileen labo ka mid ah maleeshiyo beeleedka, islamarkaana ay meydkooda geeyen Jowhar.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa KNN u sheegaya in goobta ay ku dagaaamayaan labo maleeshiyo beeleed, waxaa uuna sheegay in ay Maleeshiyaadka ay isku heystaan dhul daaqsimeedka.

Labada dhinac ayaan si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka u dhaxeeya waxaana xusid mudan in aysan wali jirin xal waaro oo  laga gaaray.