Somali News

Dagaalamayaal Al-Shabaab ah oo lagu dilay Jubada hoose.

Muqdisho-KNN-Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in Ciidanka Kenya ay Dileen 24 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab kadib dagaal ka dhacay Qooqaani oo ka tirsan Jubadda hoose, ee koofurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxaa uu dhacay saq dhexe kadib markii ay Al-shabaab Weerar ku qaadeen Xarun Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin meel u dhow Magaaladda.

Dagaalkaas dhexmaray Ciidanka Kenya iyo Al-shabaab waxaa uu qaatay muddo 30 Daqiiqo ah, waxaa uuna ku dhamaaday 24 Dagaalame oo ka dhintay Al-shabaab iyo Xubno ka dhaawacmay, ayaa lagu sheegay War lagu qoray Website Kenyans magaciisu yahay.

Ciidanka Amaanka Kenya ayaa sidoo kale waxaa ay gacanta ku dhigeen 25 Qoryaha AK 47 lagu magacaabo iyo rasaastoodii.

Ciidanka Kenya waxaa ay sheegeen in dhankooda ay ka dhaawacmeen Sedax Askari.