Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud gaar ahaan Degmadda Ceelbuur ayaa sheegaya Diyaarado Dagaal ay duqaymo la beegsadeen Saraakiil iyo Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab.
Maamulka Degmadda Ceelbuur ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Duqaymaha lala Beehsaday Gaari iyo Saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Ceel buur.
Gudoomiyaha Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in Saldhigga Weerarku ka dhacay uu ka socday Shir ay lahaayen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab.
Diyaaradda Duqaynta geeysatay oo aan wali la ogeeyn Wadanka laga leeyahay ayaa ah nuuca aan Cidina wadin ee drones-ka loo yaqaano, sida uu xaqiijityay Gudoomiye nuur xasan guutaale.
Goobta ay Duqayntu ka dhacday waxay Dhinaca koofur Galbeed 9KM uga beegantahay Degmadda Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo Al-shabaab ay maamulaan.
Ragga Weerarka lagu Dilay Qaarkood waxaa lasheegay in ay yihiin Raggii Dhinaca Wacyi Galinta u qaabilsanaa Al-shabaab.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa Warbaahintooda ku baahiyay in Duiqaymaha ka dhacay Ceel buur lala beegaday Dad rayid ah, waxayna beniyeen in Waxyeelo ay soogaartay Saraakiil iyo Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab
Dowladda Mareeykanka ayaa soomaaliya ka Fulisa Weeradda ka dhanka ah Al-shabaab, walina majiro war kasoo baxay Taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa oo ku saabsan Duqaymaha Galgaduud ka dhacay.