Marka-KNN-Wararka ka imaanya Magaalada Marka ayaa sheegaya in Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ay magaaladaasi ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Todobaadkan ayey ciidamada Xoogga dalka waxa ay la wareegeen Magaalada Marka Ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Saraakiil ka tirsan guutada 14 octobar ee xoogga dalka oo la hadlay idaacad ku hadasha Afka Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen saldhig ciidan oo guutada 14 octobar ay ku leeyihiin degmada Marko,inkastoo ciidamada Xoogga ay iska caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday.
Sidoo kale Saraakiisha ciidamada xoogga dalka waxa ay sheegeen in Al-shabaab dagaalka looga dilay 4 dagaallame.


