Uncategorized

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay Puntland

Muqdisho-KNN-Saraakiisha ciidamada amniga maamulka Punland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeyn 14 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo ay sheegeen in ay u socdeen Buuraha Calmadow, isla markaana laga qabtay duleedka magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Majiraan warar ka madax banaan laamaha amniga ee maamulka puntland oo ka hadlay arintaan la xariirta in gacanta lagu dhigay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dhawaan ayey aheed markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ka baxsadeen xarun lagu dhaqan cilinayay oo ku taala magaalada Garowe ee xarunta Puntland, inkastoo laamaha amaanka ay dib ka sheegeyn in markale gacanta lagu dhigay dagaalamayaashii baxsatay.