Somali News

Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Marka.

Marka-KNN-Wararka laga helayo Magaalada Marka ayaa sheegaya in Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ay magaaladaasi ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya  ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen saldhig ciidan oo guutada 14 octobar ay ku leeyihiin degmada Marko,inkastoo ciidamada Xoogga ay iska caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale Saraakiisha ciidamada xoogga dalka waxaa ay sheegeen in Al-shabaab dagaalka looga dilay 9 dagaallame.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada Xoogga dalka ay la wareegeen Magaalada Marka Ee Gobalka Shabeelaha Hoose.