Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha Gobolka koofutra Mozambique Cabo Delgado, Haweeyneeyda lagu magacaabo Celmira da Silva ayaa sheegtay in ay Dagantahay Xaaladda Degmadda Mocimboa da Praia Halkaasi oo isbuucyo ka Hor ay Dagaal kusoo qaadeen Dagaalamayaal Dadka Deegaanku ay la xiriirinayaan in ay Al-shabaab.
Ciidamo ka tirsan Booliiska Mozambique oo ka howlgala Degmadda Mocimboa da Praia ayaa Weerar ka kulmay islaamiyiin Hubeeysan, sida uu Boolisku shaaciyay waxa Dagaalkaasi ku dhintay Labo askari oo ka Tirsan Booliiska iyo 14 ka mid ah Kooxihii weerarka Sooqaaday, Dagaalyahanadu waxay Dileen Hugaamiye dhaqameedkii Deegaanka, Booliskuna waxay Xabsiga dhigeen 52 Ruux.
Iisku dhacyo kale ayaa laga soo wariyay Magaalo Palma la yiraahdo oo Ciidamadda Booliiska iyo jihad doonka Hubeeysan ay markale ku dagaalameen.
Gudoomiyaha gobolka ay Weeradu ka dheceen Celmira da Silva ayaa sheegtay in ay Xaaaladda gobolku Daganaaan kusoo laabatay waxayna Xustay in Baaritaano ay socdaan natiijada kasoo baxdana ay u Dabaqi doonaan si uusan usoo laaban Falkii dhacay.
Gudoomiyuhu waxay sheegtay in Ciidamadda booliisku ay ku dadaalayaan sidii ay usoo Saarilahaayeen Cidda ay yihiin Kooxda Weerarka Fulisay.
Gobolka Mocimboa waxaa Dagaalamayaasha looga Yaqaanaa Al-shabaab, hase ahaatee wali lama soo bandhigin Cadeeymo Muujinaya in ay Xiriir toos ah la leeyihiin Al-shabaab.
Wargeeys Lagu Magacaabo Newssheet ayaa Baahiyay in Dagaalyahanadda loo yaqaano Al-sunna, ay Xambaarsanyihiin fikrad lamid ah Midda Argagixisadda Caalamiga ah islamarkaana ay Doonayaan in ay Shariicadda islaamka kusoo Rogaaan gobolka, waxayna mamnuucayaan cilmaaniyadda iyo Iibsiga Maandooriyaha.
In kabadan 30 Urur oo ay leeyihiin Musimiinta Dalka Mozambique aya cambaareeyay Werarka.