Somali News

Dagaalamayaal Shabaab ah oo lagu dilay Gedo

Buurdhuubo-KNN-Sida ay sheegeen maamulka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo waxaa halkaasi lagu dilay saraakiil iyo Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo Xasan Muxumed Cali ayaa sheegay in howlgal ciidanka ay sameeyeen lagu dilay 7 Dagaalame iyo 2 sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Xasan Muxumed Cali Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo waxaa uu tilmaamay in ay qorsheynayaan in la soo afjaro dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo agagaaraha degmada Burdhuubo ee gobolka Gedo.

Waxa uu xusay in ay qorsheynayaan in guud ahaan la soo afjaro dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socdo degmadaas.