Matabaan-KNN-Wararka ka imaanaya Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan ayaa soo sheegaya in dagaalamayaal katirsan Al-shabaab ay soo Gaareyn tuulooyin hoos yimaada degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan taasi oo cabsi badan ku abuurtay dadka deegaanka.
Tuulada madhooyo oo 25km ujirta degmada Matabaan ayaa la sheegay in ay soo gaareyn Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo wata gaadiid dagaal kuwaasi oo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedada socdaalkooda.
Qaar ka mid ah Shacabka tuuladaan ayaa idaacada Kulmiye usheegey in ay arkeen dagaalamayaal Al-shaab katirsan oo wata gaadiid Dagaal oo Gaaraya ilaa 5 Gaadiid waxaana tirada Ciidanka Shabaab ee Gaaray Matabaan lagu qiyaasaa ku dhawaad 80 Dagaalame iyo Saraakiil ka tirsan Shabaab.
Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in Al-Shabaabkii Gaaray Tuulada Madhooyo ay Fariisin ka sameestayn Dhulka Buuraha ah iyo dhul kale oo keyn ah.
Saraakiil Ka tirsan Maamulka Ahlusunna ayaa sheegey in ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa Al-shbaab ay ka wadaan deegaankaas inkasto ay ku tilmaameen ragaas Al-shabab ka tirsan kuwo raadinaya goobo ay gabaad ka dhigtaan kadib markii ay korartay Duqeymaha Dhinaca Cirka ah oo ay wadaan Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya.
Degmada Matabaan ayaa la sheegay in ay ku yaalaan dhul Buuraley ah iyo deegaano keyn ah oo Al-Shabaab Gabaad u noqon karo, Maraykanka ayaa kordhiyay Duqeymaha dhinaca Cirka ah oo ay ku qaadayaan Saldhiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya.