Somali News

Dagaalka ganacsiga Mareykanka iyo Shiinaha oo meel adag gaaray.

Mareykanka ayaa sara u sii qaaday canshuurihii saarnaa badeecada Shiinaha ee loo iib geeyo dalka Mareykanka.

Lacagta canshuurta ah ee uu Mareykanku Shiinaha kusii kordhiyay ayaa ah $112 bilyan oo doolar. Canshuurahan cusub ayaana qayb ka’ah xiisada dagaalka dhanka ganacsiga ee u dhaxeysa labada dal ee ugu quwada wayn dhanka ganacsiga. Talabaadan uu Mareykanku qaaday ayaana qayb ka ah wajiga koowaad ee uu madaxwayne Doanld Trump ku doonayo in canshuuraha Shiinaha ku gaarsiiyo $300 bilyan dhamaadka sanadkan.

Jawaabta Beijing ayaa ah in dhankeeda ay markan canshuuraha ku kor dhiso shidaalka Mareykanka, taas oo noqonaysa markii ugu horeesay uu dagaalku saameeyo shidaalka. Qorshaha Trump ayaa ah in dhamaan alaabaha Shiinaha laga soo dhoofiyo lasaaro canshuur gaareeso $550 bilyan.

Haatan canshuuraha ay Washintong iyo Beijing is dhaafsadeen ayaana gaaraya boqolaal bilyan oo doolar.