Uncategorized

Dagaalo Culus oo ka socda Dalka yemen

Muqdisho-KNN-Wadanka yemen ayaa waxaa dib uga qarxay Dagaal culus oo u dhaxeeya Maleeshiyada Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta iyo xoogag taabacsan Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Cali Cabdalla Saalax.

Dagaalkan, ayaa ka dambeeyay markii Xoogaga Jabhadda Xuuthiyiinta ay weeraro ku qaadeen guryo ay degan yihiin shakhsiyaad caan ah, isla-markaana taageersan Cali Cabdalla Saalax.

Xuuthiyiinta iyo Cali Cabdalla Saalax, ayaa horey u ahaa xulafo, iyagoona dagaal kula jiray isbahaysiga uu hormuudka ka yahay Sacuudiga, balse isku dhacooda waxa uu yimid, markii Cali Cabdalla Saalax uu wadahadalo ugu baaqay isbahaysiga Sacuudiga.