Somali News

Dagaalo goos goos ah oo caawa ka socda Guriceel

Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in dagaallo goosgoos ah ay maanta kasii socdeen magaalada kuwaasi oo u dhexeeya dawladda federaalka cidankeeda iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Dhinacyadii dagaalamay ee Ahlu-Sunna Iyo Galmudug ayaa wali isku horfadhiya goobihii lagu dagaalamay, iyadoo ilaa haatan aysan muuqanin waan lagu dhexdhaxaadinayo labada dhinac oo horgashay.

Dagaalka maanta oo galay maalinkii labaad ayaa sida ay wararku sheegayan waxa uu sababy khasaaro kala gaaray dhinacyadii dagaalamay

Maalintii shalay ayaa ilo kala duwan ay sheegeen in iska horimaadka ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof, in ka badan 40 kalena ay ku dhaawacmeen.