Uncategorized

Dhaxal sugaha Sucuudiga”Israa`iil xaq ayey u leedahay in ay dal yeelato”.

Muqdisho-KNN-Maxamed Bin Salmaan dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ka soo yeeray hadal ka yaabiyay dad oo Islaam ah kadib markii uu qiray in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato.

Arrintaas ayaana u muuqata isbadal lataaban karo oo ku yimid meeshii uu Sacuudigu taagnaa markii hore, mowkhifkii magaalada Qudus Mareykanka ugu aqoonsaday Caasimada Yahuuda.

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wargayska Maraykanka ka soo baxa ee Atlantic u sheegay in Falastiiniyiinta iyo Israa’iilba ay si siman ugu qalmaan in ay yeeshaan dhul ay leeyihiin.

Sacuudigu si rasmi ah uma aqoonsana dawladda Israa’iil, laakiin waayadan dambe waxaa soo hagaagayay calaaqaadkooda dahsoon ee Caalamka kala dhaxeeya ayuu yir dhaxal sugaha Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga iyo Israa’iilba ayaa xiligaan halista ugu wayn ee Caalamka haysta iyo midda ku soo fool leh u arka Dowlada Iiraan iyo malayshiyaadka Jihaadddoonka ah ee ka dagaalama qaar ka mid ah wadamada Caalamka, sida Kooxda Daacish, Alqaacida iyo kuwoo kale.