Somali News

Dalal reer galbeed ah oo lagu eedeeyay in dambiyo dagaal ka geysteen Yemen.

Muqdisho-KNN-Warbixin ay soo saartay Qaramadda Midoobay ayey ku sheegtay in Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiis ay ku lugleeyihiin dambiya dagaal ka dhacay dalka Yemen.

Guddiga Qaramadda Midoobay ee warbixintaan soo diyaariyayay ayaa sheegay in Dowladahaan reer galbeedka ah ay xulifadda carbeed ee Sucuudigu hogaamiyo siiyeen hub, saanad iyo warbixinno sirdoon, taasi oo muujineeysa kaalinta ay ku leeyihiin dhibaatadda gaartay Shacabka Yemen.

Horay ayaa xulifadda carbeed waxaa loogu eedeeyay in ay dambiyo dagal ka geysteen dalka Yemen islamarkaan ay si aan kala sooc lahayn u laayeen Shacab reer Yemen ah.

Diyaaradaha xulifadda oo u gaarsanaya xuutiyiinta ayaa xilliyadda qaar waxaa ay duqaymo ka geystaan meelaha ay dadku badanyihiin, sida Isbitaaladda, Iskuuladda iyo Suuqyadda taasi oo geerida shacabka ka dhigtay tiro beel.