Somali News

Dalalka Bariga Afrika oo digniino ka soo saaray fiditaanka Xanuunka EBOLA

Wadamada Bariga Afrika ayaa soo saaray digniino kadib markii lagu dhawaaqay in cudurka halista ah ee Ebola uu ka dilaacay dalka Uganda.

Tansaaniya oo dariska la ah Uganda ayaa sheegtay in ay heegan galisay kooxaha ilaalada goobaha muhiimka ah ee laga soo galo oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in ay ku boorisay maamulada gobolka, gaar ahaan kuwa ku yaalla xuduudka, in ay feejignaadaan muujiyaan oo kor u qaadaan ilaalinta.

Dalkeena Soomaaliya, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in ay la kaashanayso wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo hay’ado kale si looga hortago in cudurka uu soo gaaro dalka.