Muqdisho-KNN-Wakiilo ka socda wadamadda weli ku harsan heshiiskii Nuclear-ka ee Iran ayaa ku kulmi doona Caasimadda Dalka Australia ee Vienna si ay uga doodaan sida lagu badbaadin karo Heshiiska ay ka baxeen Iran iyo Mareykanka.
Shiinaha, Ruushka, Ingiriiska, Faransiiska, jarmalka, iyo wakiilo ka socda midowga Europe ayaa baari doona arimo ku gadaaman meel marin heshiiskii la gaaray 2015kii iyo dhamaan arrimaha hadda tagaan ee heshiiska ka soo kordhay, sida lagu sheegay war uu soo saaray Midowga Europe.
Kulanka deg-degga ah ee Vienna waxaa gudoomin doonaa Xoghayaha guud ee Siyasaadda Arrimaha Dibadda Midowga Europe Helga Schmid, waxaana shirkaan codsaday Faransiiska, Germany, UK iyo Iran.
Waxtarkii Heshiiska Nuclear-ka Iran ayaa gaaray meel hoose kadib markii Mareykanku uu ka baxay Sanadkii lasoo dhaafay Dowladda Iran-na ay bacrimisay in ka badan intii uu heshiisku u ogolaa oo Uranium ah.