Muqdisho-KNN-Heshiiskan ayaa dhigaya in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar sida ay baahisay madaxtooyada Soomaaliya.
Heshiiskan waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Intii ay kulanka lahaayeen masuuliyiintaasi waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii xal loogu heli laha khilaafka soo kala dhex galay dowladaha Eritrea iyo Jabuuti.
Waxaa ayna ku heshiiyeen “in la billaabo wada xaajoodyo lagu dhammeynayo arrimahaas si loo xaqiijinayo danaha isku tolan ee dalalka Geeska Afrika kuwaas oo horseedaya nabadda iyo horumarka gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya AXmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay ka wada hadleen arrimaha ka dhex taagan Jabuuti iyo Eritrea.
Wasiirka ayaa sheegay in madaxda ay go’aamiyeen in wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan ay si degdeg ah u bilaabayaan wadaa xaajoodyada labada dhinac si loo soo afjaro xisadaha labada dal ka dhexeeya.
Dhawaan ayay ahayd markii ay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ka wada hadleen madmadaw soo kala dhex galay kaasi oo billawday intii uu hagaagay calaaqaadka Eritrea iyo Soomaaliya.
Shirkan ayaa qeyb ka ah qorshayaal lagu hirgelinayo ka faa’idaysiga heshiisyo caalami ah oo horey looga gaaray wadamo uu kamid yahay Shiinaha,halkaasi oo dhawaan lagu soo geba gebeeyey shirka iskaashiga Shiinaha iyo Africa.