Muqdisho-KNN-Dad careeysan ayaa dilay ku dhawaad 300 yaxaas oo Qatar ku ah Xoolaha Gobolka Paua ee Dalka Indunusia.
Layntaan waxaa hormuud ka ahaa Nin deegaanka xoolo uu uga cunay Yaxaasku.
Saraakiisha iyo Ciidamadda Booliiska ayaa sheegay in aysan Awood u yeelan doonin in ay joojiyaan weerarka ka dhanka ah Yaxaasyadda.
In la dilo xayawaanka dabar go’a laga ilaaliyo waa Dambi keeni kara xabsi iyo ganaax dalka Indunusia.
Nin ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa Bahal cunay isagoo Qudaar ka guranaya Beer yaxaasyadu ku badanyihiin.
“Nin shaqaale ah ayaa maqlay Qof ku qaylinaya Caawimaad, markii halkaas latagayna waxaa la arkay yaxaas qof weeraraya” ayuu yiri madaxa heey;adda ilaaladd Khayraadka Dabiiciga ah ee galbeedka Papua.
Dadka deegaanka ayaa lasheegay in Weerarkii ugu horreeyay ku dileen 292 Yaxaas.