Somali News

Dalka Mali oo yeeshay m/weyne ku meel gaar ah.

Maxkamada dastuuriga ah ee dalka Mali ayaa u magacawday Korneyl Cassiimi Gowita inuu noqdo m/weynaha ku meel gaarka ah ee dalka Mali.

Qoraal kasoo baxay maxkamada dastuuriga ah ayaa lagu sheegay in si dalku uga badbaado faaruq dawladino in Korneyl Casiimi sii hogaamin doono dalka inta doorasho laga aadayo.

Sargaalkaan la magacaabay ayaa asaguna Arbacadii telefishinka dawlada kaga dhawaqay inuu yahay m/weynaha dalka Mali Arbacadii.

Todobadkii hore militryga dalkaas ayaa xiray madaxdii dalkaas sida m/weynihii, r/wasaarihii iyo wasiirkii gaashaandhiga hase ahatee Khamiistii ayaa lasii daayay kadib markii ay is casileen ayagoo xabsi ku jira.