Somali News

Dalka Romania oo doorasho ka bilaabatay

Muqdisho-KNN- Dadka dalka Romania oo ka mid ah dalalka ku yaala Koofur bari qaaradda ee Yurub ayaa safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta si ay usoo doortaan madaxweyne cusub oo uu dalkaas yeesho.

Guddiga doorashadda dalka Romania waxay sheegeen inay codaynayaan in ka badan 18 milyan oo qof, kuwaas oo kala dooranaya 14 musharax oo u taagan xilka madaxweynenimo.

Musharaxiinta ugu cad cad waxaa ka mid ah madaxweynaha taladda haya Kuluus Lohaanis iyo nin jillaa caan ah oo la yiraahdo Mirsiyaa Dikunuu.

Haddii la waayo musharax hela 50% codadka maanta la dhiibto waxaa musharaxiinta ugu codka badan loo qaban doonaa wareeg labaad marka la gaaro 24 bishaan November sida guddiga doorashadu sheegay.