Muqdisho-KNN- Waxaa xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta dalka ka hadlay warsaxaafeedna ka soo saaray Daladaha ay ku mideysan yihiin Ururada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA iyo PUNSAA.
WAR- MURTIYEEED
Dalladaha SOSCENSA iyo PUNSAA oo ay ku midaysan-yihiin qeybaha ugu badan ururada
bulshada rayidka ah ee kajira Soomaaliya, ayaa dood adag ka yeeshaay xaaladda cakiran ee ka
jirta gayigga Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka dhex jra xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Dood dheer kadib, Laba Dalladood waxa ay si wadajir ah usoo saareen War-Murtiyeed ka
kooban qoodbada soo socda :-
1. Dalladaha waxa ay aad uga walaacsan yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka soo
cusboonaaday Hey’adaha Sharci dejinta iyo Fulinta iyadoo ay u arkaan in khilaafka
xiligan ku soo beegmay uu yahay mid dhabar jab ku ah geedigga dowladnimo ee
Soomaaliya
2. Ururada bulshada rayidka ah waxa ay ugu baaqayaan madaxda dawladda federaalka ah
in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo sida ugu haboon ee danta shacabka Somaaliyeed
ku jirto, danta gaar ahaaneedna laga hormariyo danta guud.
3. Waxa ay sidoo kale ugu baaqayaan golaha shacabka oo ah wakiilada ummadda
Soomaaliyeed in ay waajibaadka saaran u gutaan si wadani- nimo ah, ALLE ka cabsina
ku jirto
4. SOSCENSA iyo PUNSAA waxa ay xal u arkaan in si daah-furan loo qabto kulanka
codka kalsoonida u qaadidda ee guddoomiyaha baarlamaanka sida uu qabo Dastuurka
Soomaaliya loona dhameeyo khilaafka taagan.
5. Dalladuhu waxa ay baaq u dirayaan Xukuumada iyo Golaha shacabka oo ku aadan
tixgelinta iyo u hogaansanaanta Dastuurka Dalka.
6. Dalladuhu waxa ay usoo jeedinayaa in golaha shacabka iyo xukuumaduba ay u
ogolaadaan bulshada rayidka in ay goob joog ka noqdaan qaabka hawsha ay u dhaceyso
7. Waxa ay ka digayaan in hantida qaranka lagu sii huriyo khilaafka u dhaxeeya
Golayaasha Dowlada
8. Waxa ay xasuusinayaan madaxda qaranka in khilaafka hadda jira uu niyad- jab ku
yahay himmilada ummada Soomaliyeed, sidoo kalena uu dhaawacaya horumarkii la
gaaray muddadi lasoo dhaafay.
9. Ugu dambayntii waxa ay ugu baaqayaan mas’uuliyiinta dowlada in ay dhageystaan isla
markaana ay qaataan tallooyinka bulshada rayidka Soomaaliyeed si loo xalliyo
khilaafka taagan.
Wabilaahi Towfiiq
Diini Maxamed Diini Faysal Axmed Warsame
Guddoomiyaha Dallada SOSCENSA Guddoomiyaha Dallada PUNSAA