Uncategorized

Dallada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA oo bogaadin iyo talo u soo jeedisay baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Dallada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA oo ay ku mideysan yihiin inta badan Ururada Bulshada rayidka ah ayaa bogaadisay dadaalada lagu xaliyay muranka siyaasadeed ee ka dhaxtaagnay mudooyinkii dambe golaha shacabka.

War qoraal ah oo Dallada SOCENSA ay soo saartay ayaa lagu yiri “dallada dadaal ayey u gashay sidii loo xallin lahaa khilaafka ka dhex aloosnaa golaha shacabka, horayna uga soo saartay baaqyo ku aadan in la damiyo xaaladaasi, iyadoo kulamo kala yeelatay dhinacyada khilaafka ka dhex jiray ayaa waxa ay boogaadineysaa Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka dadaalada ay ku xalliyeen khilaafka siyaasadeed ee taagnaa taasi oo qeyb ka ahayd tallooyinka bulshada rayidka ee ahaa in khilaafka lagu dhammeeyo wada-hadal ama si waafaqsan sharciga”.

Sidoo kale Dallada Bulshada Rayidka ah waxa ay usoo jeedineysaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed inay soo doortaan shaqsi karti iyo aqoon u leh arimaha sharci dejinta islamarkaana ay ku soo doortaan mudo 15 maalmood ah.

Ugu dambeyn dallada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA waxa ay ku baaqeysaa in laga fogaado wax weliba oo keeni Kara khilaaf siyaasadeed taasi oo dib u dhac ku keeni karta geedigga dowladnimo ee Soomaaliya.