Somali News

Dalxiisayaal kudhintay shil kadhacay dalka Hungary.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan todobo ruux oo dalxiisayaal ah ayaa dhimatay halka 19 kalana wali lala’yahay kadib markii ay shil gashay dooni ay saarnaayeen magaalada Budapest, ee caasimada dalka Hungary.

Sida ay warisay warbaahinta dowlada 33 kamid ah dalxiisayaashii doonida saarnaa ayaa u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed.

Shilkan oo dhacay galinkii dambe ee Arbacadii ayaa yimid kadib markii doonida uu ku dhacay markab marayay wabiga Danube ee caasimada dalkaasi Hungary.

Wasaarada arimaha dibada ee Koonfur Kuuriya ayaa xaqiijisay in 19 kamid ah muwaadiniinteeda wali lala’yahay iyadoona intaasi sii raacisay in dowladu ay qorsheenayso in ay koox saraakiil u dirto Hungary si ay gacan uga gaystaan baadi goobka muwaadiniintan. Dadaalada loogu jiro baadigoobka dalxiisayaasha lala’yahay ayaa wali si xoogan u socanaya maanta oo Khamiis ah sida ay ku waramayso Wakaalada wararka ee Rueters.