Garowe-KNN-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo soo xiganaya warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times ee ka soo baxa waddanka Maraykanka, ayaa Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan, eedaymo ku xusan warbixintaasi oo sheegaya in dalka Qatar uu ku lug lahaay qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Dani ayaa sheegay in eedaymaha ku qoran warbixinta wargeyska New York Times ee dowladda Qatar la xiriirinaya, qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso iyo dilkii loo geystay madaxii shirkadda P&O Ports ee hoostagta shirkadda DP World Paul Anthony Formousa, ay yihiin kuwa sax ah, isla markaana u baahan in baaritaan dhab ah lagu sameeyo, si xaqiiqadeeda u dambaysa loo gaaro.
“waxaan qirayaa oo ku kalsoonahay in warkaa ay sheegtay uu yahay war xaqiiqo ah, waxaan ka codsanayaa Golayaasha Baarlamanka ee Aqalka sare, Golaha Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya, in arrintaasi baaritaan dhab ah laga sameeyo, ma oronaayo waa xaqiiqadii u dambaysay, laakiin waxay aburutay tuhun dadka qaarkiis ay qabeen” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Hadalka Madaxweyne dani ayaa ku soo aadaya iyadoo wargeyska New York Times ee ka soo baxa waddanka Maraykanka, uu daabacay warbixin ka hadlaysa saamaynta uu ku yeeshay gudaha Soomaaliya loollanka waddamada Khaliijka iyo dalka Qatar, gaar ahaan dhinaca xasiloonida iyo amniga.
Warbixinta ayaa lagu soo daray sheeko uu wargeysku dhegaystay, taas oo dhexmaray safiirka Qatar u jooga Soomaaliya iyo nin ganacsade ah oo aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar, oo ka sheekaysanaya qaraxyo iyo dilal ay Boosaaso ka geysteen kooxo loo maleynayo in ay fulinayeen danaha waddanka Qatar, si Imaaraadku uga cararo dekedda Boosaaso, balse dowladda Qatar ayaa beenisay eedaymaha ku xusan warbixinta uu qoray wargeyska New York Times.