Somali News

Dani oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka hor jeediyay baarlamaanka Puntland

Garowe-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani oo maanta magaalada Garowe ka furay kalfadhiga 45aad ee baarlamaanka maamulka Puntland ayaa goobta ka jeediyay khudbad meelo badan tabanaysay.

Dani ayaa ugu horeyn dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ugu baaqay in la dardar galiyo arimaha dhamays tirka dastuurka qabyada ah ee dalka, dhamaynta khilaafaadka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah, qeybsiga khayraadka dalka, doorashada oo ku dhacda waqtigii loogu tala galay iyo in dib loo bilaabo wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, iyada oo laga qeyb galinayo wadahadaladaas maamulka Puntland oo uu sheegay madaxweyne Dani in uu kala dhaxeeyo khilaaf deegaan.

Waxa uu sheegay madaxweyne Dani in ka maamul ahaan ay ku guuleysteen in dhamaan hantida dowladda danta guud ay diiwaan galiyaan, sidoo kalana ay hor marin ku wadaan dhoofinta xoolaha nool ee ka dhoofa dekadda magaalada Boosaaso ee gobollka Bari.

Dhanka maalgashiga ayuu sheegay in maamulkiisu uu xooga saarayo sidii uu caalamku u maal gashan lahaa deegaanada maamulka, isagoo tusaale u soo qaatay shirkii maalgashiga Puntland oo bilo ka hor lagu qabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirkii maalgashiga ka dib ayuu sheegay in Puntland ay balan qaad ka heshay Sanduuqa maalgashiga ee Abuu dubiy oo u balan qaaday in uu maalgalinayo shirkadaha Korontada Puntland. Madaxweyne Dani ayaa intii uu ku guda jiray jeedinta khudbadiisa waxa uu sheegay in ay jiraan wadamo u balan qaaday in ay maalgashiyo kala duwan ku samayn doonaan, isagoo wadamadaas ka xusay Shiinaha oo uu sheegay in maalmaha nasoo aadan uu tagi doono deegaanada maamulka Puntland.