Somali News

Dani oo maanta soo gaba-gabeeyay safarkiisii Imaaraadka iyo Itoobiya dibna ugu soo laabtay Garowe

Garowe-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garowe ayaa waxaa madaxweynaha ku soo dhoweeyey xubno ka kala socday xukuumadda oo uu hoggaaminayey ku xigeenkiisa Axmed Karaash, barlamaanka iyo maamulka magaalada.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland oo soo dhaweynta kadib warbaahinta kula hadlay aqalka martida garoonka ayaa sheegay in madaxweynuhu safaro ku soo maray dalalka Itoobiya Imaaraadka Carabta, waxbadana uga soo qabsoomeen safarkiisa, isla markaana ay Puntland u diraaygaroobayso marti galinta shirka maalgashiga deegaanada Puntland oo furmaya 15-ka ilaa 17-ka bishan.