Uncategorized

Danjiraha Soomaaliya ee Q.M oo rajo wanaagsan ka qaba ka jawaabida cabashada ka dhanka Imaaraadka.

Muqdisho-KNN-Ka dib markii Danjiraha Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan oo u gudbiyay warqad ashtako ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dhan wadanka Imaaraadka oo uu ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay qaranimada dalka Soomaaliya, ayaa rajo wanaagsan wuxuu ka muujiyay in Q.M arintaan ay si deg deg ah ay wax ugu qaban toonto.

Danjire Abuukar oo qudbad u jeediyay golaha ammaanka ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay golaha ammaanka iyo madaxweynaha cusub ee golaha ammaanka, abuukar oo qudbadiisa ay ka koobneyd saddex bogg ayaa waxa uu ku eedeeyay dowlada Imaaraadka heshiiska ay shirkada DP World la gashay Somaliland waxana uu sheegay danjiruhu inay tahay xadgudub lagula kacay xornimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya.

“Dowlada Federalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa xadgudubka lagula kacay waxana ay qaadi doonto wax walba oo ay ku ilaalin karto qaranimadeeda iyo jiritaankeeda.”ayuu yiri danjire Abuukar Baalle.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey in tallaabada lagama maarmaanka ah ka qaataan arrinta saldhigga Milateri ee Imaaraadka carabta ka dhisanayo Berbera, taasoo uu xusay inay caqabad ku noqon karto cunqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Sidoo kale Danjire ayaa dhaliilay khudbadaha Madaxda UNSOM ka jeediyaan shirarka arrimaha siyaasadda, kaasoo uu ku sheegay inay si qaldan uga hadlaan arrimaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Madaxda UNSOM looga baahan yahay inay qaataan mas’uuliyadooda, si waafaqsan waajibaadkooda, isla markaana ka fogaadaan dareenada siyaasadeed ee jira.

Si kastaba ha`ahaayee Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Q.M wax ka qabashada arintaan asigoo sheegay in ay horo mar ugu jirto sidii dalka Soomaaliya uu horumar ugu tallaabsan lahaa.