Somali News

Danjire Cali Saciid”Dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya waxa ay markale bilaaban doontaa 2019-ka”

Muqdisho-KNN-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa faafaahin ka bixiyay xiliga sida rasmi ah ay u bilaabaneyso dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in dacwadda ay billaaban doonto sanadka dambe ee 2019, xiligaas oo sitoos ah Maxkamada ay u dhageysandoonto.

Safiirka ayaa tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay horay u diiday in murankaasi lagu xaliyo si hoose, markaas oo Madaxweyne Farmaajo uu amar ku bixiyay in dacwaddda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya aan si hoose loo xalinin.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu jawaab ka bixisay falcelin ay horay Maxkamadda u gudbisay Dowladda Kenya balse waxaa haatan kaliya laga sugayaa Maxkamadda inay ku dhawaaqdo xiliga ay dacwadda sidda taas ah u qaadeyso.