Kismaayo-KNN-Wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa maanta waxaa uu gaaray magaalada Kismaayo, oo ay ku shirsanyihiin madaxda dawlad goboleedyada.
Keating ayaa la kulmay madaxda gobollada ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxa uuna kala hadlay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka kala dhaxeeya dawladda dhexe iyo arrimo la xiriira shirka ay Kismaayo utageen.
Madaxda dawlad goboleedyada ayaa dawlad madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyo waxaa kala dhaxeeya khilaaf ragaadiyay horukaca umadda Soomaaliyeed.