Somali News

Danjire Tarsan oo ku haray wareega Koowaad ee doorashada aqalka sare.

Jowhar-KNN-Waxaa goordhow Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ka bilaabatay Doorashada Musharixiinta aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo galaya Dowlad Goboleedka Hir-shabelle.

Doorashada Caawa ka socota Hir-shabellle waxaa soo dhammaatay wareega Koowaad waxaana ku tartamayay Seddex Musharax oo kala ah.

Prof Cusmaan Maxamuud Dufle oo helay 54 Cod, Raage Xasan Cusmaan oo helay isna 25 Cod, halka Danjire Maxamed Cali Nuur Tarsan oo isna helay 19 Cod isagoo sidaa ku haray.


Waxaana Wareega labaad u gudbay Musharixiinta kala ah Prof Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Raage Cusmaan oo heysto cododka ugu badan ee xildhibaanada Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Waxaa Musharixiinta caawa ku tartamaya Kursiga afaraad ugu cadcad Prof Dufle kaas oo heysto cododka ugu badan ee Baarlamaanka Hir-shabelle oo ah 54 cod.