Muqdisho-KNN-Waxaa goor-dhaw Isgoyska Imbiritooriyada Ceel-gaab ee degmada Waabari lagu dilay nin darawal ah sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.
Dilka ayaa waxaa fuliyay nin ku libisan dareeska Ciidamada Dowladda, dad ka agdhaw goobta dilka ka dhacay ayaa sheegay inuu ka tirsan Ciidamada Milatariga, waxa uuna dilka ka dhacay isgoyska Imbiritooriyada Ceel-gaab dhinaca degmada Waabari ee gobalka Banaadir.
Ninka dilka fuliyay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday waxaana meydka loo qaaday xarunta Dambi baarista ee CID.
Goob joogaal ku sugan isgoyska ayaa KNN u sheegay in dilka ninka geestay uu ka tirsan yahay Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Barta Control ku leh isgoyska waxaana la sheegay in muran soo kala dhax galay Marxuumka iyo Askariga dilka fuliyay.