Somali News

Darawal maanta lagu dilay Duleedka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu qof shacab ah ku dilay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Koontaroolka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya uu maanta darawal ka xeeya gaari Hoomey ah uu ku dilay Koontaroolka Siinka dheer.

Askariga dilka geystay iyo Darawalka ayaa ku murmay lacag Tiradeeda  lagu sheegay $1 doollar.

Darawalkan ayaa waxaa la sheegay inuu Rakaab ka soo qaaday Degmada Wanllaweyn, waxaa uuna ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

Marxuumka la dilaya ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/Qani Axmed Xaaji.