Muqdisho-KNN-Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo mararay saldhiga Degmada kaaraan ee Gobalka Banaadir ayaa xalay ku dilay Darawal kaxenayay mooto bajaaj, kaddib markii ay murmeen ka hor inta uusan dilka dhicin.
Wararka ayaa sheegaya in askartii dilka geystay ay baxsadeen, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, waxaana meydka mar dambe loo qaaday xarunta CID.
Dad Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dilka uu ka dhacay iridka hore ee saldhiga degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.
Darawalada mooto bajaajka ayaa dhibaatooyin kala kulma ciidanka dowladda, waxaana joogto noqotay dilka loo geysto.