Uncategorized

Darawalka Gaariga Gudoomiyaha Degmada Kaxda oo Muqdisho lagu Dilay.

Muqdisho-KNN-Darawalki gaariga gudoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir oo magaciisa lagu soo  koobay Cabdi qaadir Carab ayaa lagu dilay ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in darawalka uu dilay mid kamid ah istaafka gudoomiyaha degmada kaxda ee Gobolka Bnaadi , dilka ayaana yimid kadib muran labadooda dhexmaray.

Kadib markii askariga ilaalada u ah gudoomiyaha degmada kaxda uu dilay darawalki gudoomiyaha ayaa ay ciidamada gacanta ku dhigeen si uusan u baxsan waxaana lagu xiray saldhiga degmada Waaberi.