Sports

David De Gea oo loo soo bandhigay heshiis cusub oo Manchester United ah? Muxuuse ka yiri!

Muqdisho-KNN-Goolhayaha Manchester United David de Gea ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaranyahy inuu u saxiixo heshiis cusub kooxdiisa .

De Gea ayaa keliya hal sano uga harsan tahay heshiiska uu kula joogo kooxda Old Trafford Inkasta ay fursad uu ugu kordhinayo heshiiska kooxdiisa uu haysto 12 bilood ee lagu jiro inta ka harsan heahiiskiisa halka sanada ah.

Wadahadalo ayaa socday lixda bilood ee la soo dhaafay, in kastoo ay Mirror ay ku warameysa in labada dhinac ayaa ku dhow yihiin inay heshiis gaaraan ugu danbayn.

Heshiiska la soo bandhigay ayaa ka dhigaya De Gea mid ka mid ah goolhayayaasha ugu mushaarka badan waqtigaan, iyadoo ciyaaryahanka reer Spain uu ku dhow yahay inuu 40 milyan ginni ku qaato shanta sanno ee soo socota waa hadii uu saxiixo heahiiskan.

27 jirkaan ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid sannadihii u danbeysay, waxaana xiiseynaysay Los Blancos.

Si kastaba ha ahaatee, Madrid ayaa tan iyo markii ay lawareegtay Thibaut Courtois oo ka yimid Chelsea, iyagoo u muuqda inay soo gabgabeynayeen xiisaha ay u qabeen De Gea.

De Gea ayaa United ku biiray 2011-kii, tan iyo markii waxa uu u ciyaaray kooxda 316 kulan oo uu u saftay kooxda tartamada oo dhan.