Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dalka El Salfadoor Nayiib Bukeele ayaa muddo
48 saac ah u qabtay diblomaasiyiinta u dhashay dalka Finuswella inay
dalkaas uga baxay.
Madaxweyne Bukeele waxaa uu sheegay in dawladiisu ay aqoonsaneyn
madaxweynaha lagu kacsanyahay ee ka arrimiya dalka Finuswella Nikolos
Maduro sidaa darteed ay diblomaasiyiintiisu kasii shaqayn karin dalkiisa
madaxweynaha El Salfadoor waxaa uu xusay inuu u baahanyahay in dalkiisa ay
muddo 48 saac ah uga baxaan diblomaasiyiinta u dhashay Finusweella.
Dawlada El Salfadoor iyo dawladaha ku yaala bartamaha Maraykanka ayaa
Madaxweynaha Finuswella u aqoonsan hogaamiyaha mucaaradka ah Juwaan
Guwaado.


