Muqdisho-KNN-Dawlada Libya ayaa shaacisay in ciidamadeedu ay mucaaradka dawlada kala soo wareegeen, magaalo muhiim ah, taas oo in mudo ah ku jirtay gacanta mucaaradka ee dalkaasi oo uu hoggaamiyo General Khalifa Haftar.
Saraakiisha hoggaaminayay ciidamada oo ku sugan jiidda dagaalka ayaa wakaaladda wararka Anadolo ee ka soo baxda dalka Turkig u sheegay, in saacado ka hor ay qabsadeen magaaladan oo ku talla dhinaca Koonfurta Bari ee magaalada caasimada ah ee Libya.
Magaaladan ayaa waxaa lagu magacaabaa Tarhuna waxa ayna 65 Km ka xigta dhinaca Koonfurta Bari ee magaalada Tripoli ee caasimada u ah dalkaasi Libya, ayay wakaaladda Anadolo u sheegeen saraakiisha.
Ciidamada dawlada Libya ayaa maalmahan dambe sheeganayay guulo ay ka gaareen dagaallo ay la galeen, ciidamada ka amar qaata hoggaamiyaha sida weyn uga soo horjeeda dawlada ee General Khalifa Haftar.