Uncategorized

Dawlada Shiinaha oo u hanjabtay Tiawan

Muqdisho-KNN-Dawlada Shiinaya ayaa waxa ay bilowday in ay cadaadis ku soo rogto Tiawan, oo ahayd maamul hoos taga Shiinaha, balse hadda ku dhawaaqday in ay tahay dalka ka madax banaan.

Dawlada Shiinaha ayaa Ciidamo gaysay xuduudda u dhaxeysa Tiawan iyo Shiinaha, kuwaas oo halkaasi ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Tiawan oo ka hadashay arrintan ayaa waxa ay sheegtay in ay tahay, mid ay ku farogelinayaan arrimaheeda, taasina ay tahay mid gar darro ah.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Tiawan, in Shiinuhu marar badan uu isku dayay in uu dhowr mar soo faro geliyo biyaha iyo hawada Tiawan, arrintaasina aysan u dulqaadan doonin.

Si kastaba, Shiinaha ayaa la sheegay in uu ka carooday, xariir ay Tiawan dooneyso in ay la sameysato Mareykanka, oo Shiinuhu ay kala dhexeyso dagaal qabow.

Waxa ay sheegtay dawlada Shiinuhu, in haddii Tiawan faraha kala bixi weydo arrimaha Mareykanka ay laali doonto xeerarkii maamul ee Shiinaha kala dhexeeyay Tiawan .